Maxkamadda: Aabaha waa uu korsan karaa carruurta ka yar 9 sano hadii uu furiin dhaco

0
712

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Nakuru ayaa soo saartay go’aan ah in haddii lamaanaha ay kala tagaan aabaha loo oggol yahay inuu korsado carruurta ay da’doodu ka hooseyso 9 sano.
Waxaa go’aankan ku dhawaaqay garsoore Joel Ngugi.
Xaakinka ayaa sheegay inaysan jirin sabab mid ka mid ah waalidiinta loogu diidi karo inuu la wareego mas’uuliyadda xannaaneynta carruurta ka dib marka uu furiin dhaco haddii aan la hayn caddeyn wax ku ool ah oo loo cuskan karo inuusan waajibkaasi ka soo bixi karin.
Waxaa uu go’aaminayay dacwad ay gudbiyeen lamaane kala tagay sanadkii 2010-kii oo isku haysta sida ay u kala qaadanayaan carruurtooda oo 9 sano iyo 15 sano jir ah.