Waaxda garsoorka ee dalka ayaa lagu boorriyay inay dardargeliso dhageysiga iyo go’aaminta dacwadaha la xiriira dhaca hantiyeed ee awoodda loo adeegsado.
Waxaa baaqan soo saaray shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada ee ismaamulka Mombasa.
Madaxa ururka dhallinyarada ee New Dawn Africa, Wilfred Gambo ayaa sheegay in kiisaskan maxkamadaha hor yaalla oo muddo dheer qaata ama ugu dambeyn meesha laga saaro iyadoo loo cuskanaya in aan loo hayn caddeymo wax ku ool ah ay dhiirrigelin u noqon karto in falalkan ay kordhaan.
Waxaa uu ku taliyay in bulshada iyo hay’adaha amniga ay iska kaashadaan la tacaalidda falal dambiyeedyadan.
Sidoo kale bulshada ayaa loogu baaqay in aynan qarin oo ay laamaha ammaanka la wadaagto macluumaadka dadka gaysta falal dambiyeedyada ay ka midka tahay dhaca hantida dadweynaha.