Maxkamad ku taal dalka Faransiiska ayaa Isniintii xabsi daa’in ku xukuntay nin u dhashay dalka Aljeeriya oo taageera kooxda Jihaad doonka ah ee Daacish, kadib markii lagu helay isku day dil oo ka dhashay weerar bambaano oo ay ku dhaawacmeen 13 qof sanadkii 2019-kii.
Mohamed Medjdoub oo ah 29 sano jir ah ayaa la sheegay inuusan muujinin wax qoomama ah markii uu garsooraha maxkamada Paris uu akhriyay xukunka.
24-kii May 2019-kii, laba maalmood ka hor doorashada Yurub, ninka dhalinyarada ah ee xagjirka ah ayaa dhigay bam gacan ku sameys ah bannaanka goob rootida lagu dubo oo ku taal bariga magaalada Lyon, halkaas oo uu ku dhaawacay 13 qof, oo ay ku jirto gabar 10 sano jir ah.
Qoyska Medjdoub ayaa ku noolaayeen Faransiiska tan iyo 2015-kii.
Eheladiisa ayaa ku tilmaamay inuu ahaa qof kiligiis socod ah oo aan wax saaxiib ah leheen tan iyo markii uu Faransiiska imaaday 2017-kii.