Maxkamadda sare ayaa soo saartay amarro ka mamnuucaya booliiska inay xiraan waddooyinka, iyadoo loo diiday dibad-baxayaasha inay gudaha u galaan xarunta ganacsiga ee Nairobi (CBD) inta ay socdaan dibadbaxyada.
Awaamiirta ayaa waxaa soo saaray garsoore Lawrence Mugambi oo ka tirsan maxkamadda dastuuriga ah kadib codsi uu soo gudbiyay machadka Katiba ee lagu ilaaliyo xuquuqda aasaasiga ah ee bannaanbaxyada.
Qareen Joshua Nyawa ayaa ku dooday in ficilada booliiska ay la macno tahay in xuquuqaha la hakiyo si aan xad lahayn.
Waxaa kale oo uu ku dooday in Dastuurka iyo Xeerka Xuquuqda ay halis ugu jiraan in la googooyo inta lagu jiro xad-gudubka sharci-darrada ah ee xuquuqda dastuuriga ah ee booliiska ay wadan.
Waxaa uu doonaayaa sidii wax looga qaban lahaa dhibka loo geystay dastuurka, maadaama Kenyaanka lagu hayo awaamiir aan dastuuri ahayn oo ay soo rogeen booliiska.
Qareenka ayaa ku doodaya in booliska ay hadda si sharci darro ah u xaddideen qodobbada 37-aad iyo 39-aad ee dastuurka iyaga oo u maray tallaabooyin caddaynaya in ay Kenyaanka u diidaan xuquuqdooda in ay mudaaharaad sameeyaan sida uu dastuurka damaanad qaaday.
Waxaa uu sheegay in dastuurka haatan ka jira dalka loo sameeyay inuu dhammaanad qaado xuquuqda cid kasta oo muwaadin ah xad kastana ay mareyso tijaabo adag sida uu qabo qodobka 24-aad.
Home Wararka Kenya Maxkamad sare oo booliiska ka mamnuucday in ay xayndaab ku sameeyaan waddooyinka...