Maxkamad oo diiday in ay laasho xariga 12-ka sano ah ee gudoomiyihii hore ee Kiambu Ferdinand Waititu

0
401

Barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu ayaa waxaa soo wajahday dib u dhac kale ka dib markii maxkamadda sare ay diiday in ay laasho 12 sano oo xarig ah oo lagu xukumay horaantii sanadkan.
Xukunka la soo saaray Talaadadii ayay garsoore Lucy Njuguna ku diiday codsi la gudbiyay 28-kii Agoosto ee sanadkan kaas oo madaxii hore ee dowlad deegaanka uu doonayay in uu meesha ka saaro xukunkiisa.
Xukunka ayaa imaanaya bil kadib markii gudoomiyihii hore lagu sii daayay lacag dhan 53 milyan oo dammaanad ah iyadha oo la sugaayay dhageysiga iyo go’aan ka gaarista racfaankiisa.
Si kastaba ha ahaatee, xukunkan ugu dambeeyay ayaa ka dhigan in Waititu uu mudadiisa xariga ku gudhan doono xabsiga Kamiti Maximum Prison.