Maxkamad ku taalla Turkiga oo Sacuudiga dib ugu celisay kiiska dilkii Khashoggi

0
616

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta soo saartay go’aan la wada filayay.
Waxay joojisay dhageysiga dacwado ay wajahayaan 26 eedeysanayaal oo ka soo jeedo Sacuudiga kuwaasoo loo haysto dilkii wariye Jamal Khashoggi.
Maxkamadda ayaa arrintan ku wareejisay Sacuudiga.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo toddobaadkii hore uu dacwad oogaha kiiskan uu codsaday in maxkamadeynta eedeysanayaasha loo wareejiyo maamulka Sacuudiga.
Hay’ad u doodda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in haddii kiiskan loo wareejiyo boqortooyada Sacuudiga u horseedi doono in meesha uu ka baxo ama in eedeysanayaasha la qariyo.
Hatice Cengiz, oo ah gabadh u doonaneyd wariye Jamal Khashoggi ka hor inta aan la dilay islamarkaana ah aqoonyahanad iyo cilmi baare Turkish ah, ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto go’aankan.
Wariye Jamal Khashoggi ayaa la dilay sanadkii 2018-kii, iyadoona uu dilkiisa ka dhacay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ay ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo xukuumadda Ankara ay ku dadaalayso inay wanaajiso xiriirkeeda kala dhexeya Riyaadh.