Maxkamad ku taalla Puntland oo xukun dil ah ku fulisay oday da’ah

0
518

Maxkamadda darajada 1-aad ee Magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa Maanta Xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin Oday ah oo lagu Magacaabo Sahal Xasan Maxamad Gurey ka dib markii ay ku heshey in uu dilay wiil dhallinyaro ah.
4-tii Bishan ayaa Sahal waxaa ay Maxkamadda Magalaada Burtinle ku riday xukun dil toogasho ah ka dib markii uu ku caddaatay dilka marxuum Bishaar Jaamac Faarax oo ka mid ahaa bulshada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Goobta fagaaraha ah ee Maanta lagu toogtay Sahal Xasan Maxamad Gurey ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Burtinle, Garsoorayaal, kaaliyeyaasha maxkamadda, Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, ehellada labada dhinac iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad Baraha Bulshada looga hadal haayay Kiiska Sahal, waxaana dad badan ay dalbanayeen in la iska cafiyo maadaama uu yahay Oday da’ah haddana muruq maal ah.