Maxkamad ku taalla Myanmar oo siyaasi hore ku xukuntay 148 sano oo xabsi ah

0
235

Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ee uu militariga maamulo ayaa siyaasi hore ku ridday xukun xabsi oo ah 148 sano.
Waxaa uu ka tirsanaa xisbigii (NLD) .
Siyaasigan oo lagu magacaabo Win Myint Hlaing oo 52 sano jir ah ayaa horay loogu xukumay 25 sano oo xabsi ah waxaa uuna go’aanka cusub ee maxkamadda ka dhigan yahay inuu xirnaan doono 173 sano.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii Win lagu helay dembiyo la xiriira argagixisannimada.
Xukunkan ayaa ah midkii ugu muddada dheeraa ee la saaro xubin horay uga tirsanaa maamulkii Aung San Suu Kyi tan iyo markii militariga Myanmar uu talada dalkaasi faro-maroojistay bishii labaad ee sanadkii hore.