Maxkamadda dalka Liibiya ayaa xukunno dil ah ku ridday 35 qof oo lagu tilmaamay kuwo jihaad doon ah oo ka tirsan kooxda la magac baxday khilaafada islaamiga ee ISIS.
Waxaa ay ka mid yihiin 320 qof oo ku eedeysan ka mid ahaanshaha ISIS.
13 kale ayay maxkamadda ku xukuntay xabsi daa’in.
Shakhsiyaadkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda waddamada Falastiin, Suudaan iyo Liibiya waxayna xabsi ku jireen tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii 2016 waxaana lagu helay dembiyo ah inay ku biireen koox argagixiso sidoo kalena ay dilal gaysteen.