Maxkamadda ismaamulka Kiambu ayaa xukun xabsi oo 10 sano ah ku ridday darawal lagu magacaabo Kamugisha Mustafa Ismaaciil oo loo yaqaano Mugisha Mustafa.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu soo oogay dacwad ah inuu xaday 44,000 liitar oo batrool ah oo qiimo ahaan dhan 5.7 milyan oo shilin.
Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in wadaha baabuurka uu shidaalkan ka dhacay shirkadda tamarta ee Vivo Energy .
Waxaa uu ka mid yahay wadayaasha shirkadda Sibed Transporters oo shidaalka u kala gudbisa bariga iyo bartamaha Afrika.
Waxaa uu eedeysanaha ka soo hormuuqday garsoore Wilson Rading oo lagu wargeliyay in shidaalka uu ka dhacay magaalada Eldoret uuna doonayay inuu geeyo Uganda.