Maxkamad dhageysan doonto dacwadaha tacaddiga jinsiyadeed oo laga furay Siaya

0
286

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa ismaamulka Siaya ka furtay maxkamad gaar ah oo loo gudbin doono dacwadaha la xiriira xadgudubyada jinsiyadeed iyo kuwa galmo ee (SGBV).
Waxaa maxkamaddan oo kale horay looga hirgeliyay dowlad deegaanka Mombasa.
Koome ayaa furitaanka maxkamadda ku tilmaantay tallaabo rajo gelinaysa shacabka sidoo kalena muujinaysa sida waaxda garsoorka ee ay hoggaamiso ay uga go’an tahay in dadweynaha loo dhaweeyo adeegyada cadaaladda.
Waxay hoosta ka xarriiqdy inay lagama maarmaan tahay in bixinta adeegyada garsoorka lagu saleeyo baahiyaha gaarka ah ee shacabka ku nool deegaannada kala duwan.
Barasaabka ismaamulka Siaya sidoo kalena ah garyaqaan sare,James Orengo ayaa waaxda cadaaladda ee dalka ugu baaqay inay shacabka ugu adeegto si madax bannaan.
Waxaa sidoo kale arrinkan soo dhaweysay madaxa ururka caalamiga ee garsoorayaasha haweenka ah qaybta Kenya, garsoore Agnes Murgor oo sheegtay in hirgelinta maxkamaddan ay ka hor tag u noqon doonto tacaddiga jinsiyadeed ee loo gaysto haweenka iyo gabdhaha .