Maxbuuskii ugu muddada dheeraa oo Falastiini ah, Karim Yuunis ayaa la sii daayay ka dib markii uu 40 sano ku xirnaa xabsiyada dalka Israa’iil.
Maamulka xabsiyada Israa’iil ayaa Yuunis oo 66 sano jir ah ka sii daayay xabsiga Hadarim ee waqooyiga caasimadda Tel Aviv subaxnimadii hore ee maanta.
Waxaa la xiray sanadkii 1983-kii, isagoo lagu soo oogay dambi la xiriira inuu ku dilay askari Israa’iili ah buuraha Golan Heights ee la haysto ee dalka Suuriya sanadkii 1980-kii.
Yuunis ayaa ka soo jeeda tuulada Ara ee Falastiin oo ay Israa’iil maamusho, halkaas oo dad badan oo qaraabo iyo saaxiibo ah ay ku soo dhaweeyeen maanta.
“Waxaan jeclaan lahaa inay xurriyaddooda dib u helaan walaalaha kale ee xabsiyada ku jira, aniga waa la ii sii daayay, balse maxaabiistii kale waan ka tegay,” ayuu yiri Yuunis oo wareysi siiyey TV-ga Al-Araby
Waxaa jira ilaa 4,700 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo hadda ku xiran xabsiyada dalka Israa’iil, oo ay ku jiraan 150 carruur ah iyo 835 qof oo maxkamad la soo taagin ama wax dambi ah lagu soo oogin.