15-kii bishan doorasho dhacday ayaa xilka madaxweynenimada lagaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Inkasta oo uu xafiiska banaynayo maanta, haddane waxa uu ka tagay xusuuso badan oo qaarkood ay tahay in madaxweynaha beddela uu xal ka gaaro, qaarkoodna ay noqon doonaan kuwa taariikhda ku astaysan.
Qaar ka mid ah xusuusaha ayaa ah kuwa wanaagsan oo ay tahay in madaxweynaha cusub uu halkoodii kasii wadi doono.
Haddaba waxaan halkan kusoo koobaynaa afar arrimood oo si wayn loogu xusuusto
Mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda
Inkasta oo dalka Soomaaliya uu sameynayay kobac xagga dhaqaalaha, horumarka iyo dowladnimada marba marka ka dambeysa, haddane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku astaysan yahay, aadna loogu xusuusan doono joogtaynta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
Arrintan ayaa waxa ay xagga hore kaga xusnayd ololihii doorashada ee uu Farmaajo u galay dib u doorashadiisa.
Iyada oo horay loo bixin jiray mushaaraadka, haddane Farmaajo waxaa si wayn loogu ammaanay joogtaynta mushaaraadka iyo kordhinta mushaarka ciidamada.
Ciidamada ayuu mushaarka ugu soo dhacaa taleefoonka gacanta, iyada oo la sameeyay nidaam suul-saar ah oo casri ah oo ay adagtahay in qofka laga qaldo mushaarkiisa.
Muddo Kororsi
Bishii Afaraad ee sanadkii hore ayuu Golaha Shacabka ansaxiyay labo sano oo muddo kororsi ah oo loogu daray hay’adaha dowladda oo uu ka midyahay madaxweynaha.
Arrintan ayaa timid ka dib markii muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday 8-dii bishii Labaad ee sanadkaas, aysana jirin wax qorshe ah oo meel ool ahaa oo doorasho lagu qabanayay.
Waxaa ay dhinacyada Soomaalida ee siyaasadda si wayn uga soo horjeedsadeen, waxaana dhacay 19-kii bishii Afaraad ee sanadkaasi iska hor imaad shacab iyo mid ciidan oo aad u xoog badan, iyada oo uu dhashay qalqalkii ugu weynaa.
Siyaasiyiin iyo madax hore oo uu ka midyihiin Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo labadii madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaabo kala duwan loogu rasaaseeyay magaalada Muqdisho iyaga ka banaanbaxaya muddo kororsiga.
Buuq iyo qalalaase kadib, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka laabtay muddo kororsigii, waxaana la aaday doorasho dadban oo jiitamaysay wax ka badan sanad iyo 3 bilood.
Eryiddii Haysom
Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii, dowladda Soomaaliya ayaa warqad in uu dalka ka baxa ah u jartay ergeygii Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.
Warqaddan waxaa qortay wasaaradda arrimaha dibedda ka dib markii Haysom uu warqad u diray wasaaradda arrimaha gudaha, taas oo la xiriirtay rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo oo la xiriirtay doorasho halkaasi lagu qabanayay.
Waxaa Haysom lagu eedeeyay in uu faragalin qaawan ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya. “Mr. Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya, Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmad Ciise Cawad oo markaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya.
Warar mardambe warbaahinta kusoo baxay ayaa tibaaxayay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu saddex jeer taleefoon kula hadlay Farmaajo, balse uu ka diiday in uu ka noqdo go’aanka eryidda ergeyga.
Bishii Novembar ee sanadkii hore, ayaa sidoo kale wasaaradda arrimaha dibedda ay dalka ka eriday ku xigeenkii AMISOM SIMON MULONGO oo isna lagu eedeeyay faragalin qaawan.
Maxamad Cabdirisaaq Maxamuud, oo markaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in Mr Mulongo uu “ku kacay dambiyo waaweyn, go’aanka dalka looga eryayna uu ahaa mid loo baahnaa in mar horeba la qaato”.
Arrintan ayay Soomaalida si wayn ugu kala aragti duwanayd, dad badan ayaa u arkay tallaabo uu dhanka wanaagsan u qaaday madaxweynaha, ahaydna farriin uu u diray shisheeyaha in aysan soo farogashan arrimaha gudaha, balse kuwa kale ayaa tilmaamay in lagu xad gudbay qawaaniinta caalamiga ah, aysana jirin meel ay ku qorantahay in Ergey Qaramada Midoobay dal looga eryo.
Dhiibistii Qalbi Dhagax
Malaha wixii ugu weynaa ee lagu xusuusan doono xilligii uu xilka hayay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo dhiibay sanadkii 2017-kii.
“Markii ay NISA la wareegtay anaga neefta ayaa naga soo fuqday, waxaanan u qaadanay in NISA ay u dhaanto Galmudug, oo uu ku nabad gali doono gacanta dowladda Federaalka oo aan kalsooni aad u badan ku qabnay, balse taas ma dhicin, oo waxaa dhacday nasiib darradii ugu weyneyd oo ah in ninkii loo gacangaliyo Itoobiyo” ayuu yiri Maxamad Daahir oo ahaa sarkaal ka tirsan ONLF oo warbaahinta xilligaasi la hadlay.
Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ahaa taliyihii Hay’adda Nabad Suggida markaas oo meel fagaaro ah la fadhiyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta wax ka weydiisay arrinka Qalbi Dhagax ayaa yiri “Waa arrin xasaasi ah, mana jirto cid hadda ka hadli karta, waxaanan ka hadlaynaa waqtiga ku habboon”.
Golaha wasiiradda oo shir yeeshay ayaa difaacay dhiibistii Qalbi Dhagax, waxayna sidoo kale ururka ONLF ku dareen liiska ururrada argagixisada inkasta oo dalalka adduunka intiisa badan aysan sidaasi u aqoonsanayn ururkan.
Balse baarlamaanka Soomaaliya oo guddi u saaray arrinkan, fadhina yeeshay bishii Novembar ee sanadkii 2017-kii ayaa sheegay in dhiibista ay ahayd sharci darro, ONLF-na aysan ahayn urur argagixiso.
Madaxweyne Farmaajo oo bishii Febraayo 2018-kii wareysi dhif ah siiyay warbaahinta ayaa ka gaabsaday in uu taageerayo go’aankii ay baarlamaanka ka qaateen arrinka Qalbi Dhagax, wixii markaasi ka dambeeyayna kama uusan hadlin.
Bishii May ee sanadkii 2018-kii ayay dowladda Itoobiya xabsiga ka siidaysay Qalbi Dhagax.
Home Wararka Soomaaliya Maxay yihiin waxyaabaha lagu xusuusan doono Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo maanta xilka...




