Maxay tahay sababta uu u baaqday kulankii ay yeelana lahaayeen xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya?

0
287

Kulankii ay Maanta yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa baaqday, kaas oo mudanayaasha Maanta uga doodi lahaayeen Ajandeyaal dhowr ah.
Guddoonka ayaa shaacin sababaha baaqashada, hayeeshee warar la helay ayaa sheegaya inay la xiriirto weerarkii lagu qaaday Guri ay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ka deganaayeen Ciidamada Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.
Dhowr jeer ayaa Kulamada Golaha Shacbaka ay u baaqdeen kooram la’aan sidoo kalena markii uu dhacay weerarkii Huteelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho loo baajiyay sababo la xiriira Amni darro maadaama uu weerarka saacado badan socday.
Maalmihi la soo dhaafay ayaa kulamada Baarlamaanka waxaa ka jiray murano xooggan oo la xiriira sharciyada la horkeenayo Baarlamaanka oo Xildhibaannada qaar ay guddoonka ku eedeeyeen in iyada oo kooramka uusan dhameyn sharciyada qaar la ansixiyo