Maxay Somaliland u xirtay Idiris Alteeso?

0
440

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegaya, in xalay halkaas lagu xiray wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Idiris Alteeso, kaas oo ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook-ga.
Wiilkan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay, xilli uu ku sugnaa huteel ku yaalla xaafadda Jigjiga yar.
Idiris wuxuu kamid yahay dhallinyarada qoraallada kala duwan soo dhiga baraha bulshada, balse ilaa hadda ma cadda in sababta loo xiray ay la xirriirto qoraallada uu soo dhigo bartiisa Facebook-ga.
Wixii ka soo kordha xarigga Idiris Alteeso, halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa.