Maxay ka wada hadleen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Soomaaliya?

0
292

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo booqasho taariikhi ah ku yimi dalkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.
“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.
Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.
Dhanka kale labada mas’uul ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, arrimaha Beni-aadannimada iyo la tacaalidda saaneynta isbaddelka cimmilada.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha wax ku-oolka ah ee DFS ay ka xaqiijisay dhinacyada amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dowlad-dhiska, iyaga hoosta ka xarriiqay muhiimadda in la qaado Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.