Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Maxamad Amiin ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ugu baaqay inuu joojiyo waxa uu ku tilmaamay masraxyada warbaahinta.
Amiin oo hadalkiisa sii wato ayaa Gachagua u sheegayin hadii ay jirto arrin la xiriirta amniga oo uu tabanaayo inuu ku wargeliyo saldigga booliiska ee ugu dhaw si arrintaas loo maareeyo.
Gachagua ayaa dhawaan qeylo dhaan ka soo saaray in ay jiraan isku dayo badan oo lagu doonaayay in isaga lagu dilo xubnaha qoyskiisane lagu waxyeeleyo.
Arrintan ayuu kaga hadlay warqad uu u diray Taliyaha booliiska dalka Douglas Kanja oo uu ku eedeeyay in si ula kac ah uu kala laabtay saraakiisha ammaankiisa sugeysay.