Maxaa ugu dambeeyay duullaanka Ruushka ee Ukraine?

0
332

Maamullada ammaanka ee dalka Ukraine ayaa ciidamada Ruushka ku eedeynaya inay duqeeyeen dugsi ku yaalla magaallada ay howlgallada sida wayn u saameeyeen ee Mariupol.
Golaha magaaladaasi ayaa sheegay in ciidamada difaaca ee dalka Ruushka ay si qasab ah ku tarxiileen kumanaan qof.
Qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegaysa in ilaa iyo hadda Ruushka uu gudaha wadanka Ukraine ku dilay ugu yaraan 902 oo qof halka barakacayaasha gudaha ee dalkaasi ay tiradoodu tahay 6.5 milyan oo qof.
Xafiiska guddoomiyaha sare ee qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee (OHCHR) ayaa tirada dhaawaca ku sheegay 1,459.
Qaramada midoobay waxay intaasi ku dartay in mid ka mid ah afartii qof ee Ukraine uu hooy la’aan noqday.
Madaxweynaha Ukraine ayaa taageero militari weydiistay baarlamaanka Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegaya in dhinacyada Ruushka iyo Turkiga ay hadda aad ugu dhow yihiin inay arrimo muhiim ah heshiis ka gaaraan.
Waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay inay shir toos ah isugu keento madaxweynayaasha Ruushka iyo Turkiga.
Dhanka kale wasiirka maaliyadda ee Faransiiska Bruno Le Maire ayaa sheegaya inay xannibaad saareen hanti dhanka shidaalka ah oo laga leeyahay Ruushka oo ku kacaysa 850 milyan oo Euro una dhiganta 920 milyan oo doolar.