Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee golaha shacabka Soomaaliya?

0
471

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa Maanta yeelan doono kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ka qabsoomaya xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha Kulanka Xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, iyada oo Xildhibaannada xalay loo diray farriin ah inay kulanka soo xaadiraan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaan kulmin tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-kii Bishan, waxaana la rumeysan yahay in badi ay ku maqan yihiin dalka dibaddiisa.
Waxaa Xildhibaannada horyaalla Shaqooyin dhowr ah, sida ka doodista iyo ansaxinta Sharciyo qaarkood aan la horgeyn Baarlamaankii 10-aad iyo Shaqooyin kale oo aad u adag.