Alle ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Laascaanood, iyadoo la sheegay inuu dhintay ka dib madaafiic lagu gaaracay magaaladaasi.
Geerida abwaanka ayaa waxa xaqiijiyay ehelkiisa.
Abwaanka ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex lahaa Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo ka mida ah ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.
Haddaba waa kuma abwaan Jaamac Kadiye?
Eebe ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood oo maanta uu ku geeriyooday, waxaa uu ku jiray da’aada 70-meeyada, abwaanka ayaa ka gabyi jiray idaacdihii Soomaaliyeed ee radio Muqisho iyo radio Hargeysa sanadkii 1972-dii, xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.
Abwaan Kadiye ayaa waxa uu gudbin jiray suugaan diini iyo dhaqanba leh oo isugu jirta gabay guurow maanyo geeraar iyo kuwa kalaba, waxa uuna ku hadli jiray luuqadaha Soomaaliga Carabiga iyo Ingiriiska.
Sidoo kale abwaan Jaamac kadiye ayaa dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee sanadkii 1977-dii waxa uu ka tiriyay gabayo badan oo uu Soomaalida ku wacyigelinayo midnimo isagoo ku dhiirigelinayay in ay isku duubnaadaan islamarkaana muujiyaan wadaniyaddooda.
Alle ha u naxariistee abwaan Jaamac Kadiye ayaa u baxay safarro badan oo xaga dibadda ah kuwaasi oo uu kaga qayb galay bandhig dhaqameedyo uu ku soo bandhigay suugaan badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed.