Xilli ay siyaasiyiinta isbeheysiga muxaafidka ee Kenya Kwanza kulan ku yeesheen xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa xildhibaannada iyo senatarrada lala wadaagay isbeddellada lagu sameeyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan .
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Kimani Kuria ayaa sheegay in laga laabtay qorshihii ahaa in canshuur dhan boqolkiiba 16 la saaro rootiga, adeegyada maaliyadeed, ganacsiga lacagaha qalaad ee la isku sarrifo, kala gudbinta sokorta iyo soo jeedintii canshuurta baabuurta ee ahayd boqolkiiba 2.5.
Sidoo kale waxaan la kordhin doonin qiimaha lacagaha la isugu diro sida adeegga M-pesa.
Dowladda ayaa sidoo kale meesha ka saartay qorshihii ahaa in la kordhiyo saliidda laga soo saaro khudaarta.
Waxaan dakhli ahaan loo canshuuri doonin qiimaha ay kenyaanka ku biirinayaan sanduuqa guriyeynta iyo caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF oo lagu beddelaya NHIF.
Soo jeedintii ahayd in iyadoo bilicda deegaanka la ilaalinaya in la canshuuro waxyaabaha caagagga ama balaastigga ka sameysan ,waxay tani saameyn doontaa keliya badeecooyinka iyagoo dhameystiran laga soo dejiyo dalka dibadiisa , deegaanka wasaqeeya oo wax u dhima isticmaalkooda ka dib.
Sidoo kale, canshuurtan oo loo yaqaano Eco Levy ayaan saameyn doonin badeecooyinka lagu soo saaro gudaha waddanka sida suufka ay haweenka caadada isaga nadiifiyaan , xafaayadaha , taleefoonnada , kombiyuutarrada , taayarrada iyo mootooyinka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay waddo dadaallo lagu xakameynaya in waddanka dibadiisa laga keeno badeecooyinka gudaha Kenya lagu sameyn karo.
Tani ayuu xusay in looga gol-leeyahay badbaadinta wax soo saarka maxalliga ah iyo dadka ka shaqeeya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa laga soo xigtay in qiimaha sarriifka ee lacagta dalka marka loo barbardhigo lacagaha qalaad la sugay maadaama sida uu hadalka u dhigay maamulkiisa uu qaaday tallaabooyin loo qasday oo lagu yareynaya in dalka la soo geliyo badeecooyin halkan lagu sameyn kara.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in canshuurta Eco Levy aan la saarin doonin badeecooyinka lagu soo saaro dalka.
Sidoo kale ,qiimaha isu diiwaangelinta canshuurta VAT oo horay lagu jaangooyay 5 milyan sanadkii ayaa laga dhigay 8 milyan.
Waxaa diiwaangelinta sameeya qof kasta oo doonaya ama rajeynaya inuu sanad gudihii qaybiyo badeecooyin ama uu fidiyo adeegyada la canshuura oo qiimahoodu yahay ilaa 5 milyan.
Dowladda ayaa sheegtay in tani ay micnaheedu tahay in ganacsayada yaryar badankoodu aan wixii hadda ka dambeeya looga baahan doonin in ay isku diiwaangeliyaan VAT.
Sidoo kale waxaa laga laabtay nidaamka caddeynta bixinta lacagta ee casriga ee ETIMS ee uu dhawaan soo saaray maamulka canshuuraha ee KRA gaar ahaan beeralayda iyo ganacsatada yaryar ee uu macaashkooda ka hooseeya hal milyan oo shilin.
Hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2024 waxaa uu sidoo kale canshuur ku soo rogay ukumaha ,basasha iyo baraadhaha qurbaha laga keena si loo badbaadiyo beeralayda dalka.
Sidoo kale ,canshuuridda khamrada waxaa lagu qiimeyn doonaa waxa ay ka kooban tahay.




