Maxaa ka jiro in taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya iyo madaxa cadaaladda dalka ay wada dhasheen?

0
463

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya ee maanta xilkan loo dhaariyay Japhet Koome ayaa beeniyay in isaga iyo madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ay wada dhasheen ama qaraabo yihiin.
Waxaa uu sheegay in keliya ay magaca Koome wadagaan oo aynan lahayn xiriir walaaltinnimo.
Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa arrintan sii xoojisay waxayna taliyaha uga mahadcelisay inuu caddeeyay arrin ay su’aal ka qabeen qaar ka mid ah kenyaanka.
Waxay sheegtay in magaca Koome uu la mid yahay magacyada Maxamad, Wafula , Kamau oo loo badan yahay sidaasi awgeedna la wadaagi karo.
Abaanduulaha cusub ee booliiska ayaa madaxweynaha dalka William Ruto uga mahadceliyay inuu xilkan u soo magacaabay.
Xildhibaannada baarlamaanka ayuu sidoo kale uga mahadceliyay inay u ansixiyeen qabashada xilkan.
Dhawaan ayay ahayd markii uu ballanqaaday inuu abaal marinno siinaya shakhsiyaadka shaaciya musuqmaasuqa ka dhex jiro adeegga qaran ee booliska ee (NPS).
Waxaa uu intaasi ku daray inuu diyaarinaya siyaabo shacabka u fududeyn doono inay caddeymo ku soo bandhigaan booliiska musuqmaasuqa sameeya.
Koome ayaa qiimaha hantidiisa ku sheegay 89.9 milyan oo shilin.
Waxaa uu beddelaya Hillary Mutyambai oo bishii sagaalaad ee sanadkan is casilay sababo caafimaad awgood.
Mutyambai ayaa ahaa taliyaha guud ee booliiska Kenya tan iyo sanadkii 2019-kii xilligaasi oo uu soo magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska Kenya Nuur Gaaboow ayaa xilka maanta loo dhaariyay Koome si ku meel gaar ah u sii hayay.
Japhet Koome ayaa booliiska dalka ka tirsanaa 31 sano wuxuuna markii ugu dambeysay ahaa taliyaha machadka qaran ee lagu tababaro booliska ee Kiganjo, xilkan oo uu hadda kala wareegay afhayeenkii hore ee ciidamada ammaanka Bruno Shioso.