Maxaa ka jiro in guddoomiyaha IEBC oo kulamo dhowr ah la yeeshay Moses Wetangula?

0
581

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyay oo ahayd in isaga iyo Moses Wetangula ay yeesheen kulamo dhowr ah si loo farageliyo daabacaadda warqadaha codeynta.
Waxaa uu Chebukati caddeeyay inuusan weligii shakhsi la yeelan kulan ku saabsan soo iibsashada agabka.
IEBC ayaa sidoo kale difaacday qandaraas ay siisay shirkadda caalamiga ee Smartmatic International si ay u qaybiso agabka elektoroniga ee codeynta ee KIEMS.
Wareysi ay xalay si wadajir ah warbaahinta u siiyeen guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati iyo madaxa fulinta ee guddigan Xuseen Marjan ayay ku sheegeen inaysan ka warqabin khaladaad horay uga dhacay shirkaddan xilli ay ka shaqeynaysay doorashooyinka waddamada Filibiin iyo Venezuela.
Dhanka kale madaxa isgaarsiinta ee shirkaddan Samira Saba ayaa beenisay in nidaamyo ay horay u adeegsadeen la farageliyay.
IEBC ayaa dadweynaha u sheegtay inay si buuxda ugu diyaar garowday maareynta doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha IEBC ayaa sheegay inay sameyeen tallaabo kasta oo dastuuri ah oo laga doonayay.
Madaxa fulinta ee guddiga, Xuseen Marjan ayaa carrabka ku adkeeyay in hadda ay dadka fahansiinayaan tallaabooyinka habboon ee xilliga codeynta.
Waxaa uu tilmaamay in mararka qaar ay dhacdo in macluumaadka ay soo bandhigaan aynan si buuxda u gaarin dadka ku jiro dabaqada hoose ee nolosha oo u badan codbixiyeyaal.