Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay u sheegay in maamulkiisa uu dhaqangelinaya sanduuqa lagu taageeraya ganacsatada yaryar ee loo yaqaano Hustler Fund.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Masika Wetangula ayaa shaaciyay in golaha loo soo gudbinaya miisaaniyad dheeraad ah oo dhaqaalahan uu qayb ka yahay.
Haddaba maxaa baarlamaanka uga qorsheysan wax ka qabashada saameynta abaarta ee laga dareemaya 29 ka mid ah ismaamullada dalka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa ku jawaabay.




