Matiang’i oo sheegay hadii la doorto in xukuumadiisa ay xakameeyn doonto lunsiga kheyraadka dadweynaha

0
149

Musharaxa madaxweyne Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay hadii la doorto in xukuumadiisa ay diiradda saari doonto sidii loo xakameeyn lahaa lunsiga kheyraadka dadweynaha.
Sida laga soo xigtay Matiang’i, maamullada is xigay ayaa noqdeen dhibanayaal maamul xumo sababo la xiriira kororka lacagaha dadweynaha ee aan wax laga qaban oo muddo dheer ka dhex jiray dalka.
Waxaa uu ku eedeeyay maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto inuu lumiyay kheyraadka, isagoo xusay inay si xad dhaaf ah lacag ugu bixiyeen waxyaabo aan macquulka ahayn.
Matiang’i ayaa intaa ku daray in lunsiga uu saameeyay qaybaha muhiimka ah ee ka caawiya kobaca qaranka, oo ay ka mid yihiin Waxbarashada.
Waxaa uu sheegay in markii uu maamulayay Wasaaradda Waxbarashada, abuurista Nidaamka Macluumaadka Maareynta Waxbarashada Qaranka (NEMIS) ay gacan ka geysan la hayd in si weyn loo fududeeyo waxbarashada, balse waa la tirtiray markii maamulka cusub uu meesha ka saaray oo uu soo bandhigay Nidaamka Macluumaadka Maareynta Waxbarashada Dalka (KEMIS).
Wasaaradda Waxbarashada ayaa KEMIS soo bandhigtay bishii Juun ee sanadkan 2025-ka iyadoo xustay inay gacan ka geysan doonto xallinta khaladaadka uu geestay nidaamkii ka horeeyay ee NEMIS balse waxaa ay qaateen isla doorkii NEMIS ee ahaa ururinta xogta iyo xaqiijinta.