Mataatuuda oo bartamaha Nairobi laga saaraya bisha soo socoto

0
545

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo bisha Afaraad ee sanadkan gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda laga mamnuuco inay ka howlgalaan bartamaha caasimadda wadanka ee CBD.
Waxaa qorshahan ku howlan maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee Nairobi ee (NMS).
Maamulkan oo uu hoggaamiyo Maxamad Cabdalla Badi ayaa laga soo xigtay in isbeddelka cusub uu ugu horreyn saameyn doono mataatuuda adeegsata waddooyinka Ngong, Lang’ata iyo Argwings Kodhek.
Agaasimaha waaxda gaadiidka iyo howlaha guud ee NMS Injineer Michael Ochieng ayaa sheegay in goobta baabuurtan laga raaci doono ee Green Park dayactirkeeda uu hadda maraya boqolkiiba 98.
Waxaa uu sheegay in boosteejadan ay maalinkii isticmaali karaan ilaa 20,000 oo baabuur ah.
Tallaabada gaadiidka dadweynaha looga saarayo bartamaha Nairobi ayaa looga gol-leeyahay in lagu fududeeyo ciriiriga dhanka isku socodka baabuurta.