Waxaa uu maanta qorshuhu yahay in guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ka wado xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ay hor tagaan guddoomiyihii hore ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ,Wafula Chebukati, Juliana Cherera oo ku xigeen u ahayd ka hor inta aynan is casilin iyo shan saraakiil sare ahaa.
Chebukati, Cherera , Cabdi Yaaquub Guuriye , Boya Molu, Francis Wanderi, Irene Masit iyo Justus Nyang’aya ayaa talooyinkooda u gudbin doono guddiga ay hoggaaminayaan Kalonzo Musyoka iyo Kimani Ichung’wah.
Sidoo kale waxaa guddiga hor tagi doono diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadeed, golaha barasaabyada ismaamullada ee COG , guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC , golaha warbaahinta ee MCK , mas’uuliyiinta hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International, hay’adda caalamiga ee daahfurnaanta ee Transparency International iyo machadka qiimeeya cilmi baarista dhanka xeerarka dadweyne.