Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen oo uu weheliyo xoghayaha joogtada ah ee waaxda waddooyinka Joseph Mbugua ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta ismaamulka Mandera.
Kulanka oo ka qabsoomay daarta Transcom House ee magaalada Nairobi ayaa waxaa madaxda Mandera ku hoggaaminayay barasaabka dowlad deegaankaasi Maxamad Aadan Khaliif.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha kaabayaasha ee Mandera.
Murkomen ayaa qoraal ku sheegay inuu qiraya in gobolka Waqooyi Bari ay ka jiraan fursado badan oo aan laga faa’iidaysan.
Waxaa uu xusay in dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta gobolka ay ka wada shaqeynayaan sidii ismaamullada la isugu furi lahaa si loo xoojiyo ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxaa uu sheegay in lala wadaagay saameynta isugu jirta dhimashada , burburka hantiyadeed iyo waddooyinka go’ay ee ka dhashay daadadka.
Wasiirka ayaa maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ku amray inuu hoggaamiyo falcelin degdeg ah oo laga sameynaya ismaamullada ay fatahaadda saameysay ee Mandera, Wajeer, Marsabit, Tana River iyo qaybo ka mid ah Garissa.
Tani ayuu sheegay inay fududeyn doonto isku socodka bulshada iyo kala gudbinta badeecooyinka.
Murkomen ayaa intaasi ku daray in sidoo kale qiimeyn dhameystiran lagu sameyn doono baaxadda burburka ka dhashay roobabka.