Mas’uuliyiinta guddiga KRA oo la dhaariyay

0
243

Waxaa shalay xilalkooda loo dhaariyay shan qof oo uu maalmo ka hor wasiirka wasaaradda maaliyadda ee wadanka Njunguna Ndung’u u magacaabay inay noqdaan xubnaha guddiga maareeya maamulka canshuuraha wadanka ee KRA.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah Darshan Shah, Wilkister Simiyu, Fancy Too, Michael Kamau Kamiru iyo Samir Ibrahim oo shaqeyn doono muddo saddex sano ah.
Waxaa xafladda dhaarinta guddoominaysay madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka wadanka Anne Amadi.
Amadi ayaa shanta qof kula talisay inay xoogga saaraan danta qaran.
Waxay sheegtay in howlwadeennada laga doonaya inay dejiyaan tallaabooyin lagu ilaalinaya sugnaanshaha dhaqaalaha dalka.
Anne Amadi ayaa sheegtay in shaqada mas’uuliyiintan aynan ahayn mid fudud maadaama go’aamada ay qaadanayaan ay si shaki la’aan ah u saameynayaan kenyaanka.
Waxay xubnaha guddiga maamulo KRA u soo jeedisay inay u diyaar garoobaan xallinta caqabad waliba oo ay la kulmaan inta ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.
Shanta qof ee la dhaariyay ayaa xaqiijin doono in la haleelo hadafyada dakhli uruurinta iyo in maamulka canshuuraha ee KRA uu u shaqeeyo si habsami leh oo wax ku ool ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda maaliyadda ee dalka ay dhaqaalaha sanad maaliyadeedkan ku qiyaastay 3.64 Triloyoon oo shilin.