Alle ha u naxariistee waxaa xalay geeriyooday Qaadigii guud ee dalkani Kenya Sheekh Athman AbdulHalim Hussein.
Waxaa geeridiisa xaqiijiyay kana tacsiyadeeyay imaamka masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi Sheekh Jamaaludiin Cisman.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qaadiga guud uu ku dhintay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta iyadoo uu qorshuhu yahay in meydkiisa la aaso salaadda Casar ka dib.
Sheekh Jamaaludiin ayaa xusay inuu aad uga naxay geerida ku timid Sheekh Athman.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir oo isna qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Waxaa uu tilmaamay in geerida qaadiga guud ee dalka Sheekh Athman AbdulHalim Hussein ay si wayn u taabatay.
Barasaabka ayaa intaasi ku daray in qaadiga uu dadaal badan ku bixiyey inuu siyaabo kala duwan ugu adeego shacabka Kenya.
Waxaa uu Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo oo uu ku abaal mariyo Jannatul Firdowsa.
Sidoo kale, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid qaadigii guud ee dalka Sheekh Athman Abdulhalim Hussein.
Waxaa uu ku tilmaamay daaci iyo hoggaamiye ku sifeysnaa dabacsanaan uuna tabi doono.
Waxaa uu Alle uga baryay inuu u naxariisto oo uu Jannada ku abaal mariyo isagoona qoyska uu ka baxay u rajeeyay samir.
Bishii Toddobaad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC uu Sheekh Athman u magacaabay qaadiga guud ee waddanka waxaana xilligaasi magaciisa laga soo dhex saaray liis ka koobnaa 5 qof.
Waxaa uu beddelay Sheekh Axmad Shariif Mudhar oo howlgab ku noqday da’da 60 sano ka dib 12 sano oo uu ahaa qaadiga guud ee Kenya.