Mas’uuliyiin kala duwan oo bogaadiyay hoggaankii Ogolla

0
258

Madaxweyne ku xigeenka dalka Mr. Rigathi Gachagua ayaa bogaadiyay kartidii hoggaamineed ee taliyihii ciidamada difaaca dalka ee dhawaan shilka ku geeriyooday General Francis Omondi Ogolla.
Waxaa uu sheegay in intii uu militariga hoggaaminayay uu horseeday saameyn wanaagsan.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Mr. Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa sheegay in Ogolla uunan ahayn keliya mas’uul militari oo waxqabad wanaagsanaa balse sidoo kale dibloomaasi.
Waxaa uu ku sheegay shakhsi xirfadaha dibloomaasiyadeed u isticmaalayay u adeegidda qaranka.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Moses Wetang’ula ayaa dhankiisa taliyaha maanta la aasay ku tilmaamay mid ay u caddayd waxa loo baahan yahay in la sameeyo si gobolka uu nabad u noqdo.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa General Francis Ogolla ku sheegay qof habdhaqan wanaagsanaa oo sharaf lahaa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hoggaamintiisi militari ay tahay mid la tawi doono.