Mas’uuliyiin isbitaalka ku booqday dhaawaca afhayeenka xukuumadda Soomaaliya

0
408

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya senatar Cusmaan Abuukar Dubbe, wasiirru dowlaha wasaaradda howlaha guud Janeraal Bashiir Gooble iyo mas’uuliyiin kale ayaa isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku booqday afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macallimuu, oo ka soo bogsanaya dhaawac ka soo gaaray qarax lala beegsaday 16-kii bishan.
Labada mas’uul oo warbaahinta kula hadlay isbitaalka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Macallimuu ay soo hagaageyso, iyagoo u mahadceliyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo dadaal badan ku bixiyey in afhayeenka xukuumadda uu daryeel caafimaad helo.
Mas’uuliyiintan oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa habeen hore sidaan oo kale hooygiisa ugu booqday agaasimaha teleefishinka qaranka Soomaaliya ee SNTV Sharma’arke Maxamad Warsame oo ka soo kabsanaya dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax dhacay 20-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore oo uu ku dhintay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika.