Xoghayaha guud ee xisbiga KANU George Wainaina, ayaa loo xiray dilka qareenka Mathew Kyalo Mbobu, kaas oo Talaadadii lagu toogtay wadada Magadi
Shalay ayay ahayd markii ay dambi baarayaasha dalka ee DCI-da ay su’aalo weydiyeen Seddax shakhsi oo si weyn loo daneynayaa kuwaas oo la rumeysan yahay inay hayaan xog muhiim ah oo gacan ka geysan karta soo saarista sirta ka dambeysa dilkiisa.
Saddexda qof oo markii ugu horreysay su’aalo la weydiiyay maalintii Khamiista, ayaa hadda ku xiran saldhigyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Nairobi.
Wainaina ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii la qadeeyay maalintaas ka hor inta aan la dilin qareenka.
Labada kale ee su’aalaha laga weydiyay dilka Kyalo ayaa la tilmaamay inay ahaayeen saaxibo aad ugu dhawaa sharci-yaqaanka laga takhalusay.
Shakhsiyaadkan laga qoray warbixinta ku aadan dilka qareenka ayaa la sheegay in ay fududeyn karaan in gacanta lagu soo dhigo dableydii dilka fulisay kuwaas oo labo qof ahaa.