Waxaa xilka madaxa fulinta ee guddiga qaran ee adeegga booliiska(NPSC) loo dhaariyay Peter Kiptanui Leley .
Tani ayaa timid ka dib markii 12-kii bishan uu guddiga NPSC soo xushay Leley oo ku soo baxay turxaan bixin la sameeyay.
Waxaa uu Peter ku dhaartay inuu waajibaadkiisa shaqo u gudanaya si ay daacadnimo ku dheehan tahay isagoo aan cidna u eexanayn sidoo kalena ku xadgudbayn.
Guddoomiyaha guddiga qaran ee adeegga dadweynaha Eliud Kinuthia ayaa bayaan ku sheegay in Leley uu xilkan hayn doono shan sano.
Waxaa uu jagadan kala wareegay Silas McOpiyo oo si ku meel gaar ah u sii hayay ka dib markii sanadkii hore uu dhammaaday muddo xileedkii Joseph Onyango .
Leley ayaa horay u soo noqday madaxa fulinta ee guddiga farsamada ee isku xira dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Waxaa jagada madaxa fulinta ee guddiga qaran ee adeegga booliiska soo codsaday 92 qof guud ahaan wadanka in kastoo 9 keliya la turxaan bixiyey.




