Mas’uul horay u soo noqday ku xigeenka guddoomiye xaafadeed oo la xiray 30 sano

0
127

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kisumu ayaa xukun xabsi oo 30 sano ah ku ridday Joel Juma Oliewo oo horay u soo noqday ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka Upper Kadongo oo ka tirsan deegaanka Galbeedka Kisumu.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah inuu 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2021-kii uu dil gaystay.
Waxaa uu xilligaasi tuulada Kadawa ku dilay Eric Ochieng Atito.
19-kii bishii Sideedaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii garsooraha maxkamadda sare ee Kisumu Roselyne Aburili ay sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah eedeysanaha.
Waxay hoosta ka xarriiqday in uunan shaki ku jirin in Joel uu ka takhalusay Atito.
Waxaa xukmanaha ku marqaati kacay ilaa 11 qof oo ay soo bandhigtay waaxda dacwad oogidda.
Garsooraha ayaa sheegtay in xukunka xabsiga ee 30-ka sano ah ee lagu riday ninkan uu dadka kale ka hor istaagi doono in ay dil gaystaan.