Mashaariicda muhiimka ah ee uu bilaabay madaxweyne William Ruto intii lagu guda jiray socdaalkiisii ugu dambeeyay ee gobolka Waqooyi Bari ayaa socda sida laga soo xigtay kooxda hubinta mashruuca ee Xafiiska madaxa wasiirada dalka Musalia Mudavadi.
Mashaariicda uu bilaabay madaxweyne Ruto intii uu socdaalka ku jiray ayaa waxaa ka mid ah xafiiska socdaalka ee ismaamulka Garissa oo ilaa hadda laga helay in ka badan 2,500 oo baasabooro ah kuwaas oo 1,700 ka mid ah la farsameeyay loona diyaariyay in la qaato.
Mashaariicda kale ee ay qandaraasleyaasha ku sugan yihiin dhulka ayaa waxaa ka mid ah dhismaha wadada xiriirisa Isiolo iyo Modogashe, dhismaha 220 unug oo ah Mashruuca Guryaha la awoodi karo ee magaalada Wajeer, kor u qaadista heerka Bitumen ee wadada 90 Kiiloomitir ee xiriirisa Odda, Bute, Danaba iyo Wajeer iyo ballaarinta Machadka Farsamada Gacanta iyo Waxbarashada Bariga Wajeer iyo kuwo kale.
Mashruuca isku dhafka iyo warshadaha ee ismaamulka Garissa (CAIP), kaas oo shaqo u abuuray in ka badan 100 dhallinyaro deegaanka ah ayaa gaaray ku dhawaad 65 boqolkiiba in laga dhamaystiro.
Mashruucan ayaa waxaa iska kaashadeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Gaarisa, isla markaana ay ku baxayso lacag dhan 490 milyan oo shillin.
Sida laga soo xigtay guddoomiyaha ammaanka ee gobolka Waqooyi Bari ku matallo dowaldda dhexe, John Otieno, codsiyada kaararka aqoonsiga qaranka ayaa sare u kacay sababo la xiriira dabcinta hannaanka turxaan bixinta ee muwaadiniinta gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Otieno ayaa si degdeg ah u sheegay in dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu hubinayo in dadka u qalma oo keliya ay awoodaan inay helaan kaararka aqoonsiga.
Rinah Odengo, oo ah la taliyaha dhanka siyaasadda ee wasiirka arrimaha dibada ahna madaxa wasiirada dalka ayaa dhankeeda sheegtay in wax badan oo ka mid ah waxyaabihii uu ballan qaaday madaxweynaha intii uu ku guda jiray socdaalkiisii horumarineed ee bishii Febraayo ee gobolka ay inta badan si wanaagsan ku socdaan.