Dowladda dalka Masar ayaa soo saartay digniin ah in haddii Israa’iil ay ka dhabeyso qorshaha ay duullaan dhanka dhulka ah uga fulinaysa magaalada Rafax ee Falastiin, ay tallaabadaasi cawaaqib culus ku yeelanaysa nabadgalyada Bariga Dhexe.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar,Sameh Shoukry ayaa sheegay in duullaanka militari ee Qaza uu muujiyay labo-afleynta ama mowqifyada isdiiddan ee qaar ka mid ah xubnaha golaha xuquuqul insaanka ee QM.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dunida ay fiirsanaysa dembiyo iyo xadgudubyo wuxushnimo ah oo ka dhan ah shacabka Falastiin.
Waxaa uu ku baaqay in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqangasho Qaza iyo in Israa’iil aynan ku duulin Rafah.
Dhanka kale wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka carbeed ayaa golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay u sheegay in waddamada qaar ay iska indha tirayaan dhibaatooyinka ka taagan Qaza.