Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in dadka ka soo cararaya dagaallada Suudaan ee soo gudbaya xadkeeda laga doonaya inay qaataan dal ku galka wadankaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa difaacday xeerkan waxayna ku tilmaantay mid lagula tacaalaya waxyaabaha sharci darrada ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo caasimadda wadanka Suudaan ee Khartoum uu ka dhaqan galay heshiis xabbad joojin ah oo dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ay kala dhex dhigeen Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.
Tan iyo markii 15-kii bishii Afaraad ee sanadkan uu billowday dagaalka u dhexeya ciidamada militariga ee Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF , waxaa xuduudda waddamada Suudaan iyo Masar ka tallaabay in ka badan 200,000 oo qof.