Maryankanka oo soo dhaweeyay racfaan ee Kenya ka qaadanaysa go’aan ay maxkamaddu ku diiday in booliiska la geeyo Haiti

0
274

Dowladda Maraynkanka ayaa sheegtay inay tixgelinayso go’aankii maxkamadda sare ee Kenya ee lagu hor istaagay qorshaha 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka lagu geynaya Haiti.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Matthew Miller ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Joe Biden uu go’aankii maxakamadda sare ee Kenya qadarinaya islamarkaana uu sidoo kale soo dhaweynayo racfaanka ay dowladda dhexe ee Kenya ka qaadaneyso go’aankaasi.
Miller ayaa ku celceliyay sida ay uga go’an tahay Maraykanka inuu taageero dadaallada nabadeed ee dalka Haiti.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii golaha amniga qaran uu baarlamaanka ka codsaday inuu ansixiyo tallaabo 1,000 ka mid ah booliiska Kenya lagu geynaya dalka Haiti taasii oo uu golaha qaran ee xeer dejinta meel mariyay.
Dalka Haiti ayaa waxaa tobaneeyo sano ka taagan rabshado isugu jiro dilal baahsan , afduub iyo lacago baad ah oo ay qaadanayaan kooxo hubeysan oo ay dagaal kula jiraan ciidamada wadankaasi.
Horraantii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyay in Haiti loo diro howlgal nabadsugid oo ay ka qayb qaadanayaan dalal ay Kenya hoggaaminaysa si booliiska Haiti garab loogu siiyo inay ka adkaadaan kooxaha hubeysan.