Mary Wanyonyi oo loo dhaariyay guddoomiyaha guddiga CRA

0
270

Mary Wanyonyi ayaa maanta loo dhaariyay inay noqoto guddoomiyaha cusub ee guddiga qoondeynta dakhliga ee (CRA)
Waxaa haweeneydan xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi ku dhaarisay madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome.
Ms. Wanyonyi, ayaa noqonaysa guddoomiyihii saddexaad ee guddiga CRA.
Waxaa ay xilkan kala wareegtay Jane Kiringai, oo howlgab noqotay bishii Labaad ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Ms. Wanyonyi u magacaabay guddoomiyaha CRA bishii Shanaad ee May ee sanadkan.
Waxaa xilkan kula tartamay Thomas Ludindi Mwadeghu iyo Felicity Nkirote Biriri.
Waajibaadka saaran guddiga CRA ayaa ah qaabka ay dowladda dhexe iyo ismaamullada si siman ugu qaybsan karaan dakhliga wadanka soo galo.