Marwada ku xigeenka madaxweynaha dalka Dorcas Gachagua ayaa ballanqaaday inay isku dubaridi doonto dadaallo lagu caawinaya carruurta iyo qoysaska darbi jiifka ah.
Waxay sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii ubadkan loogu sameyn lahaa dhaqan celin si meesha looga saaro balwadda ay isticmaalaan.
Dorcas, ayaa carrabka ku adkeysay in loo baahan yahay in la dhiso xarumo lagu taageeraya carruurta dhibaatooyinka u nugul ee hooy la’aanta ah.