Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa shaaciyay in marwada koowaad ee dalkaasi Jill Biden uu saameeyay cudurka COVID-19.
Hasa ahaate madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo xanuunka laga baaray ayaa laga waayay.
Jill Biden oo 72 sano jir ah ayaa markii ugu dambeysay ee caabuqa corona uu haleelay waxay ahayd sanad ka hor inta aan dib loo baarin shalay.
Joe Biden ayaa mari doono baaritaano joogto ah.
Waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay gudaha Maraykanka laga diiwaangelinayay sare u kaca kiisaska COVID-19 iyo tirada dadka ee isbitaallada loo dhigay.