Marwada koowaad ee dalka Maraykanka Dr. Jill Biden oo booqasho 3 cisho ah ku joogta Kenya ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay awoodsiinta haweenka u leedahay bulshada.
Waxaa ay sheegtay in haweeenka ay awood u leeyihiin in ay wax ka beddelaan dunida.
Dr. Jill Biden oo dalka soo gaartay maalinkii Jimcaha ayaa xustay in haweenka inta badan adduunka ay weli la halgamayaan sidii ay codkooda ugu biirin lahayeen miiska go’aaminta.
Safarka ay Kenya ku timid ayay ku micneysay inuu ku qotomo baahida loo qabo in la dhageysto lana taageero dadaallada lagu xoojinayo haweenka ee dalka.
“Haweenku waa mishiinka ka dambeeya bulshada, marka ay haweenku lacag helaan waxay ku maalgeliyaan bulshada, marka haweenku ay helaan fursadaha ay mudan yihiin, ma jirto wax xaddidan oo ay sameyn karaan,” ayaa tiri Dr. Jill
Waxaa ay amaantay hoggaamiyayaasha haweenka ee dalka, iyadoo sheegtay inay yihiin kuwa u halgamay inay noqdaan halka ay joogaan, islamarkaana ay jiilka soo socda u yihiin lataliyeyaal iyo tusaale wanaagsan.
Marwada koowaad ee dalka Maraykanka Dr. Jill Biden ayaa sidoo kale la filayaa inta ay Kenya ku sugan tahay ay ka hadasho wax ka qabashada abaarta ilaa iyo hadda saameysay 29 ka mid ah 47 ismaamul uu wadanka ka kooban yahay.
The First Lady @MamaRachelRuto accompanied The First Lady of the United States, @DrBiden today who visited the Women for Peace Group in Kibera, to gain firsthand experience of the highly effective table banking model. @FLOTUS pic.twitter.com/1xvtkxkS0r
— The First Lady Kenya (@FirstLadyKenya) February 25, 2023




