Marwada koowaad ee dalka oo wada hadal nabadeed ka billowday meelaha ay burcadda saameysay

0
164

Marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto oo kaashanaysa hoggaamiyaasha diimeed ayaa ismaamullada waqooyiga gobolka Rift Valley ka billowday wada hadallo nabadeed.
Waxay isku dayayaan inay xal u helaan dhacdooyinka burcadnimo iyo dhaca xoolaha ee saameeyay 6 ismaamul.
Waxay kulan nabadeed ku qabteen ismaamulka Baringo si loo heshiisiiyo bulshooyinka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku wada nool.
Waxaa shirkaasi ka qayb galay xubno matalaya ismaamullada Baringo, Samburu, Turkana iyo Elgeyo Marakwet waxaana la isku raacay in dhallinyarada loo sameeyo maalgashi si aynan ugu kug lahaan burcadnimada.