Marwada koowaad ee dalka oo hambalyo u dirtay hooyooyinka

0
422

Marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto ayaa dhammaan hooyooyinka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta adduunka ee hooyooyinka ee maanta loo dabbaal degaya.
Waxay hooyooyinka ku tilmaantay laf-dhabarta qoysaska , tiirarka bulshada iyo astaanta kalgaceylka iyo awoodda.
Rachel Ruto ayaa hooyooyinka uga mahadcelisay waxyaabaha ay huraan si ay ubadkooda u koriyaan.
Waxaa hambalyadan mid la mid ah diray madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki , wasiiradda ganacsiga Rebecca Miano iyo barasaabka ismaamulka Machakos Wavinya Ndeti oo dhammaantood sheegay in hooyooyinka ay mudnaanta siiyaan danaha carruurtooda.
Maanta oo kale ayaa dunida laga xusaa maalinta hooyooyinka si loo muujiyo kaalinta ay ku dhex leeyihiin bulshada.