Madaxa cadaalada dalka Martha Koome, ayaa si rasmi ah xilka ugu dhaarisay Garsoore Njoki Ndung’u oo ka tirsan Maxkamadda ugu Sareeysa dalka ee Supreme Court iyo Madaxa Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose, Everlyne Olwande, kuwaas oo noqday xubno cusub oo ka mid ah Guddiga Adeegga Garsoorka (JSC).
Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday xafiisyada JSC maanta, waxaana hoggaaminaysay Martha Koome. Garsoore Njoki Ndung’u ayaa JSC ku matalaysaa Maxkamadda ugu Sareeysa dalka ee Supreme Court, halka Everlyne Olwande ay ku matalayso garsoorayaasha maxkamadaha hoose ee dalka.
Garsoore Ndung’u ayaa beddeshay Alle haunaxariistee Garsoore Maxammed Ibrahim, oo geeriyooday 17-kii December ee sanadkii tagay ka dib xanuun muddo dheer hayay. Doorashadeeda ayaa lagu qabtay si waafaqsan Sharciga Adeegga Garsoorka ee 2011, kaas oo dhigaya in boos bannaan la buuxiyo 21 maalmood gudahood.
Hannaanka doorashada ayaa waxaa kormeerayay sarkaal ka socday Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC), Dr Swalhah Yusuf, waxaana ka qayb qaatay dhammaan xubnaha Maxkamadda ugu Sareeysa dalka ee Supreme Courta, oo ay ka mid yihiin Martha Koome, ku xigeenkeeda Philomena Mwilu iyo garsoorayaal kale.
Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagu aas-aasay Qodobka 171(2) ee Dastuurka ayaa ka kooban madaxa cadaalada dalka oo u ah guddoomiye, wakiillo ka socda maxkamadaha kala duwan, Xeer-Ilaaliyaha Guud, qareenno, wakiil ka socda Guddiga Adeegga Dadweynaha iyo xubno dadweyne oo uu magacaabo Madaxweynaha ka dib ansixinta Baarlamaanka. Diiwaan hayaha Guud ee Garsoorka ayaa ah xoghayaha guddiga, kana shaqeeya hubinta socodka iyo maamulka howlaha JSC.




