Martha Koome oo wargeyska dowladda ku soo daabacday magacaabista madaxa waaxda diiwaangelinta ee garsoorka

0
232

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay magacaabista madaxa diiwaangelinta ee waaxda cadaaladda wadanka Mokaya Frida Boyani.
Waxay xilkan hayn doontaa muddo shan sano ah.
Mokaya Frida ayaa ku soo baxday qiimeyn iyo turxaan bixin la sameeyay.
Waxay beddelaysa Anne Amadi iyadoo waaxda cadaaladda ee dalka u qaabilsanaan doonto dhanka maamulka sare, xisaabaadka iyo xoghaynta.
Haweeneydan ayaa leh khibrad shaqo oo dhanka sharciga oo ah in ka badan 27 sano.
Waxay hay’sataa shahaadada heerka Degree ee culuunta sharciga.