Martha Koome oo sheegtay in la ilaalin doono cadaalada Muwaadiniinta Kenyaanka ah

0
262

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay in garsoorka uu ka go’an yahay inay ilaaliyaan cadaaladda iyo dhamaan xuquuqda muwaadiniinta Kenyaanka ah.
Dhambaalkeeda sanadka cusub, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegtay in faragelin cusub la sameeyay si loo hubiyo in nidaamka cadaaladda dalka uu noqdo mid la heli karo, hufan, oo ka jawaabaya baahiyaha qof kasta oo Kenyan ah.
Mrs Koome waxaa ay go’aamisay in Garsoorka uu sii wadi doono nidaamka cadaaladeed ee ku qotoma cadaalad iyo naxariis.
Waxay sheegtay in tani ay si gaar ah muhiim ugu tahay dadka nugul iyo kuwa la haybsooco ee bulshada dhexdeeda ah kuwaas oo cadaaladu inta badan u arkaan riyo fog.
Waxay bogaadisay dadaallada garsoorayaasha ay ugu jiraan in Kenyaanka ay helaan adeeg cadaaladeed.