Martha Koome oo sheegtay in garsoorka oo si hufan u gudanaya waajibaadkiisa

0
359

Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa Kenyaanka u xaqiijisay in garsoorka uu haatan si wanaagsan u qalabeysan yahay si uu si hufan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah oo ay ka faa’iidaysanayaan dhammaan muwaadiniinta.
Kooome ayaa dhambaal la xiriira sanadka cusub oo ay la wadaagtay Kenyaanka ku xustay, in waaxda gaarsoorka dalka ay heshay fududaynta iyo taageerrada lagama maarmaanka u ah fulinta mashaariicdeeda iyo howlaheeda kala duwan.
“Aasaaska looga baahan yahay in aan si wanaagsan u fulino ballanqaadkeena ah in dadka Kenyaanka ay helaan garsoor hufan” ayay tiri Mrs.Koome
Madaxa cadaaladda ee dalka sidoo kalena ah guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa wadanka, ayaa bogaadisay go’aanka uu madaxweynaha qaranka William Ruto ku riixayo howlgelinta sanduuqa garsoorka oo ay sheegtay inuu xoojinaya madax bannaanida maaliyadeed ee waaxdan.
Waxaa ay sidoo kale bogaadisay tallaabada uu madaxweynaha u magacaabay garsooreyaal lagula taliyay in loo dalacsiiyo maxkamadaha sare, shaqaaleysiinta garsoorayaasha cusub ee maxkamadda sare iyo shaqaaleysiinta qaybaha kala duwan ee shaqaalaha garsoorka.
Koome ayaa sheegtay in taageerradan ay garsoorku u suurtagelineysa in uu wax ka qabto caqabado badan oo la xiriira dhaqaalaha, shaqaalaha iyo dhaqaale xumo oo hay’adda soo food saartay.
Waxaa ay xustay inay rajo ka qabta in garsoorka uu hadda awoodo in uu gaaro yoolkiisa istiraatijiyadeed iyo sida ay uga go’an tahay in wax dacwad ah lagu sii hayn maxkamadaha in ka badan saddex sano.