Martha Koome oo hoggaamin doonta baroordiiq maanta loo sameynaya garsoorihii maxkamadda Makadara

0
412

Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa maanta hoggaamin doonta baroordiiq loo sameynaya garsoorihii maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi Monica Kivuti oo u geeriyootay dhaawac Khamiistii ka soo gaaray toogasho.
Martha Koome ayaa caddeysay in la hakiyay dhammaan fadhiyadii maxkamadaha iyo arrimaha hor yaalla ee horay maanta loo qorsheeyay.
Dhawaan ayay ahayd markii ay amartay in maanta la xiro dhammaan maxkamadaha waddanka ku yaalla.
Waxaa xaakinka maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi Monica Kivuti maalinkii Khamiista ee toddoobaadkii hore toogtay sarkaal sare oo booliis ah xilli ay go’aan ka soo saareysay dacwad ku aaddan khiyaano maaliyadeed oo ay wajahaysa xaaska askariga .
Waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay saddex sarkaal oo booliis ah iyadoo ugu dambeyn la dilay askarigii toogashada gaystay.